Taliyihii Hawlgelinta Booliska Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Sarkaal Kale Oo Loo Magacaabay

0
682

Hargeysa(Geeska)-Taliyihii hawlgelinta ciidanka Boliska Somaliland gaashaanle sare Maxamuud Ducaale, ayaa laga qaaday xilkii hawlgelinta waxaana loo magacaabay hoggaanka tababarka ciidanka Booliska Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka Booliska Somaliland, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya in isku shaandhayn uu sameeyay taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan uu isku bedel iyo xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah hoggaanada ciidanka Booliska Somaliland. Taliyihii hawlgelinta ciidanka Booliska Somaliland gaashaanle sare Maxamuud Ducaale ayaa ka mid ah hoggaanada xilalkoodii laga qaaday.

Taliyaha hawlgelinta ciidanka Booliska Somaliland waxa loo magacaabay gaashaanle sare  Cabdiqani Ciise Maygaag (Ganey).

Gaashaanle sare Maxamuud Ducaale ayaa xilkan  hawlgelinta ciidanka Booliska Somaliland hayay dhawrkii sannadood ee u dambeeyay, isagoo muddo dheer soo ahaa ciidanka Booliska kana soo shaqeeyay inta badan saldhigyada muhiimka ah ee caasimadda Hargeysa.