40 Cudur Oo Dilaa Ah Oo Uu Khamrigu Keeno, Waxaa Ka Mid Ah Kansarka, Dhiigkarka Iyo Wadne Xanuunka

0
935

Baariis (Geeska)- Bare-sare oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa xaqiijiyey in isticmaalka khamriga iyo guud ahaan Alkahoosha ay masuul ka yihiin 40 cudur oo ay ka mid yihiin: Wadne xanuunka, qulubka iyo Kansarku. Tirokoobyo la sameeyeyna ay muujinayaan in sababta ugu badan ee dadka Faransiiska cisbitaallada loo dhigaa ay la xidhiidho cabbista Khamriga.

Raadadka caafimaad darro ee uu isticmaalka muddada dheer ah ee khamrigu yeeshana waxaa ka mid ah in uu burburiyo nudaha maskaxda iyo in uu maskaxda soo ururiyo (Gudhiyo), waxa uu dilaa xusuusta, waxa uu dib-u-dhac ku keenaa awoodda maskaxdu u leedahay fikirka, waxa uu keenaa dhiigkar, waxa aanu sababaa dhiigfuran maskaxda ku dhaca, waxa uu isbeddelo dufaneed ku keenaa beerka oo aakhirka uu isbeddelkaasi sababo beer xanuun iyo in uu beerku burburo ama hawlgab noqdo.

Xeeldheerahan ka tirsan jaamacadda Baariis ee dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Maykal Nasila waxa uu sheegay in cudurrada ku dhaca dadka leh balwadda khamri cabbista ay ka mid yihiin beerka oo adkaada, kansarka beerka ku dhaca, ganaca oo qofka bukooda, kansarka afka ku dhaca, kansarka dhuunta, kansarka naaska, hab-dhiska difaaca oo daciifa taasina ay keento sambabada oo bukooda iyo xaalado kale oo tiro badan.