4 Marxaladood Oo Jacaylku Uu Maro Iyo Muddada Ugu Badan Ee Uu Qofku Ka Soo Kabto Nabarka Caashaqa

0
1673

London (Geeska)- Qofka caadiga ah ugu badnaan laba sano ayaa ay ku qaadataa in uu ka gudbo xaaladaha nafsiga ah ee ka dhashay jacaylka lagaga baxay ama ruux uu jeclaa oo uu si uun u waayey. Laakiin in jacaylku hungoobo waxaa ka horreysa in uu maro afar darajo oo uu ku gaadho xaaladda u dambeysa ee ah qalbi jabka.

Shabakadda e-Harmony ayaa sahamin ku samaysay dad tiradoodu ka badan tahay kun qof oo u dhashay dalka Ustareeliya si ay u ogaato duruufaha iyo calaamdaha aasaasiga ah ee lagu garan karo marxaladda uu hadba jacaylku marayo. Jackie Manning oo ah haweenay ku xeeldheer cilminafsiga, shabakaddanna u qaabilsan arrimaha xidhiidhada, ayaa sheegtay in sahamintaas lagu ogaaday in xidhiidhka jacayl ee lammaanuhu uu maro marxalado 5 shan ah.

Marxaladahaas oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa uu wargeyska The Independent u dhigay sidan:

– Marxaladda dhimbiilaha: Waa bilowga hore ee jacaylka, oo ay inta badan dhacdo in labada qof mid kastaa is arko in awood aanu iska caabbin karaynin dhinaca kan kale u riixayo. Waa xiise sida dhimbiilaha uga soo burqanaya qalbiga qofka wax jecel, waxa aanay taasi fududaysaa in uu si degdeg ah u xoogaysto xidhiidhka labada qof, oo in ay is dhexgalaan ay ku qaadato ugu badnaan 3 toddobaad.

– Marxaladda malabka: Sida magacaba laga dhadhansanayo, waa marxaladda ay labada qof isugu xiisaha badan yihiin, mid kastaa kan kale aad ula dhacsan yahay, aaminsan yahayna in waxa noloshiisaba ka dhimani uu yahay in uu kan kale la mataanoobo.

Inkasta oo ay tahay marxaladda ugu quruxda badan ee soo marta lammaanaha is jecel, haddana inta badan waa marxaladda ay dhalinyarada haasaawaysaa ku dhacaan qaladka ugu weyn guurkooda ka hor ee ee saamaynta taban ku yeesha mustaqbalkooda oo dhan.

– Marxaladda ka badheedhista caashaqa: Inta badan labada qof inta ay ku jiraan marxaladahaas hore waxa ay ku kooban yihiin in ay ficil ahaan ama shucuurta indhaha iyo hadalka laga akhrisanayo oo keliya isugu muujiyaan xiisaha iyo kalgacalka runta ah ee ay isu qabaan.

Waxa ay khubaradu sheegeen in jacaylku uu marxaladdan gaadho marka qiyaas ahaan uu xidhiidhka labada qof saddex bilood jiro. Inta badanna ragga ayaa ah cidda badheedhaha koowaad ee qirashada jacaylka la timaadda. Markaa waxa ka dambeeya waxa ay lammaanuhu ku sii dhowaadaan xiisaha ay u qabaan qoysnimo iyo in ay xidhiidhkooda inta uu yahay ka sii adkeeyaan.

– Marxaladda waajibaad gudashada: Sahamintani waxa ay ogaatay in dadka badankoodu aanay ku fiicnayn ilaalinta axdiga iyo gudashada waajibaadkooda, waxa ay tani inta badan ku dhacdaa lammaanaha caashaqu dhex marayo oo midkood, gaar ahaan raggu inta badan ku degdego aqbalaadda guurka iyo nolosha qoysnimo, isaga oo aan waqti fiican naftiisa la soo shawrin, kana tashan qofka uu nolosha la wadaagayaa in uu yahay ka uu moodayo iyo in uu is beddeli karo.

Boqolkiiba 45 lammaaneyaasha haasaawaa sannadka koowaad ayaa ay is guursadaan, qaarkood isla marka ay u arkaan in ay isguursanayaan ayaa ay isu sii dhex galaan qaab ka fiirsasho la’aan ah oo khatar gelinaysa mustaqbalkooda. Waxa taas ka sii dhibaato badan iyaduna in lammaanuhu lixda bilood ee u horreeya haasaawahooda ay bilaabaan in aanay qarsan, oo xubno qoyskooda ah uga warramaan, halka saddexda bilood ee u horreeyaba ay saaxiibbadooda dhow u sheegaan. Waa arrin degdeg ah in qofku sidaa dhaqsaha ah uga warramo xidhiidhka haasaawe ee uu abuuray, waxa aanay ka mid tahay sababa marka dambe keena in haddii caashaqaasi fashilmo uu ku noqdo xanuun iyo nabar aanu ka soo bogsan, ugu yaraan waxa uu ka xumaadaa in jacaylkii uu dadka badan ugu faanay kuna wargeliyey been noqday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here