39-Kii Xildhibaan Ee Talyanle U Codeeyay Oo Dhammaantood Hadlay

0
723

Hargeysa (Geeska)- 39-kii Xildhibaan ee ka midka ahaa Golaha Wakiilada Somaliland ee codkooda siiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle inuu noqdo gudoomiyaha golahooda ayaa Shalay si wada jir ah ula hadlay Warbaahinta Somaliland.

39-kan xildhibaan ayaa sheegeen in kalfadhigii lixdii bishan August uu Golaha Wakiiladu ku dooranayey Gudoomiye golahaasi yeesho ay codkooda siiyeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka mid ahaa labadii Musharax ee ku tartamayey jagadaasi.

Xildhibaanadan ayaa intaa ku daray in tiradii 39-kooda xildhibaan ee gudoomiyaha u dooortay Cabdiraxmaan Talyanle in la is-daba mariyey la siiyey Baashe Maxamed Faarax oo isaga ay u codeeyeen 38 Xildhibaan oo ka mid ahaa 78 xildhinaan oo maalintaasi soo xaadiray kalfadhiga Golaha Wakiiladu uu ku dooranayey Gudoomiyaha.

Cadaynta 39-kan xildhinaan ee si toos ah u hor yimid Warbaahinta Somaliland ayaa noqonaysa markii sadexaad ee ay shacabka usoo bandhigaan in 39-kooda xildhibaan ay u codeeyeen Cabdiraxmaan Talyanle oo u tartamay gudoomiyaha Golaha Wakiilada, isla markaana wax is-daba marin lagu sameeyey codadkii uu helay.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle uu soo bandhigay magacyada iyo saxeexa 39-ka xildhibaan ee codka ku siiyey inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

Waxaana ka horaysay maalintii doraad ee taariikhdu ahayd 8-dii bishan sideedaad oo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ahaa 39-ka xildhibaan ee u codeeyey Xildhibaan Talyanle uu warbaahinta isna usoo bandhigay sawiradii iyo muuqaalkii laga qaaday kalfadhiga maalintaasi ee golaha Wakilada iyo xildhibaanadii 39-ka ahaa ee u codeeyey musharixii ay wateen ee Cabdiraxmaan Talyanle.

Khilaafkan ka taagan golaha Wakiilada oo ah kii u horeeyey ee noociisa ah ee Golaha Baarlamaanka Soamliland dhawr iyo tobankii sanadood ee uu jiray Golahaasi ayaa yimid kadib markii 2-dii bishan August 2017 uu iska-casilay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), si uu ugu tartamo jagada Madaxweynaha Somaliland, doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka November 2017.