3 Dal Oo Colaad Kasta Oo Ay Galaan Aan Laga Cabsi Qabin In Ciidamo Cadow Ahi Ay Dhulka Ka Soo Galaan (1)

0
572

1London (Geeska)- Wargeyska The Independent ee dalka Ingiriiska ayaa dhowaan baahiyey warbixin uu kaga hadlayo dalalka dunida ee aanay suurtogal ahayn in ciidamo cadow ku ah oo dal kale kaga yimid ay dhulka ka soogalaan, sidoo kale waxa uu wargeysku soo bandhigay dalal uu sheegay in ay adkaysi buuxa u leeyihiin quwadda hubka. Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika soo koobay, afsoomaalina u rogay waxa aynu ku eegaynaa saddex ka mid ah dalalkaas:

1.  Switzerland: Dalka Switzerland waa buuraley ay jiho kasta kaga soo oodan yihiin buuro si aan caadi ahayn u dhaadheer, oo la aaminsan yahay in ay u yihiin dhufays dabiici ah oo dalka ka ilaaliyey in la qabsado xitaa xilliyadii dhul ballaadhsiga. Buurahan mucjisda ah ee aanu aadamuhu fanan Karin ayaa sabab u ahaa in dalkani uu ka nabadgalo qabsigii Midowga Soofiyati ee dagaalkii labaad ee adduunka kadib. Waxaa la aaminsan yahay in ciidamada Switzerland ay buuran ku xidheen miinooyin aad u khatar badan, isla markaana jidadka yar iyo biriishyada faro-ku-tiriska ah ee xuduudka Midowga Soofiyati ay la wadaagaan ku rakibeen walxo qarxa si ay u go’aan haddiiba khatari timaaddo.

Dhinaca kalana dalka Switzerland oo dadkiisa lagu qiyaaso 8 Milyan, kana mid ah dalalka dunida ugu hodansan ayaa leh ciidamo aan ka badnayn 150 kun oo askari, waxase uu leeyahay istaraatijiyad ciidan oo ay diyaar yihiin 4 milyan oo askar tababar ahaan diyaarsan ah, balse si caadiya noloshooda isaga wata, marka loo baahdana dhaqso loogu yeedhi karo.