21 Arday Oo Ka Qalin Jebiyay Kalkaalisenimada Caafimaadka

0
559

Hargeysa (Geeska)-Munaasibad balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa Shahaadooyin  lagu gudoonsiyey Arday baratay mihnada Caafimaadka gaar ahaan, Kal-kaalisenimada wakhtiga qaliinka iyo sida loo bixiyo Tababarka Caafimaadka.

Ardaydan ka qalan jabisay Caafimaadka oo ahaa 21-Arday oo iskugu jira Hablo iyo Inamo, ayaa waxa qeyb ka qaatay Tababarkooda Forum Foundation, waxaana Munaasibadii qalanjabinta ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Ururka Kal-kaalisooyinka Somaliland,  Masuuliyiin Ka tirsan Caafimaadka, Ardaydii qalan jabisay iyo Marti sharaf tiro badan.

 Agaasimaha Ururka Kal-kaalisooyinka Caafimaadka Somaliland Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil oo iyadu ugu horeyn Munaasibadaas ka hadashay ayaa dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeedisay Ardaydan, waxayna ugu baaqday inay halkaas ka sii wadaan dadaalka, waxayna Ardayda u sheegtay in masuuliyadi saaran tahay, wixii ay la qaban karaana ay la qaban doonaan haddii ALLE idmo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Yuusuf Axmed iyo Xuseen Axmed Xaashi oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin Ardaydan ka qalan jabisay Caafimaadka, waxayna ku booriyeen inay halkaas dadaalka ka sii wadaan, Iyaga oo sheegeen in wax ALLE loogu mahadnaqo ay tahay. 

Dhinaca kale qaar ka mid ah Ardaydii qalan jabisay oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ugu horeyn ILLAAHAY ugu shugri naqayaan mihnadahan Caafimaadka ee ay barteen, isla markaana cid walba oo wax la qabatay gacana ka siisay Waxbarashadooda ay u og yihiin, abaalkoodana aanay gudi karin, ugu danbeyntiina Shahoodooyinkii ayaa la gudoonsiiyey.