205 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Jaamacadda Islamic Online

0
696

Hargyesa(Geeska)-Jaamacada Islamic Online University faraceeda Somaliland ayaa ay ka qalinjabiyaan 205 aray oo si heersare ah u bartay luuqada Ingiriisiga, kuwaas mudo sanad ah ka baranaayay jaamacadaas.

Ardaydan oo isugu jiray hablo iyo wiilalba waxa kala soo qaybgalay xafladan ay ku qalinjabinayeen masuulyiin ka socotay wasaarada waxbarashada, xisbiyada qaranka iyo maamulka jaamacadaas.

Ugu horayntii xafladaas waxa ardayda la hadlay wakiilka jaamacada Islamic Online University Siciid Cabdilaahi Siciid  oo ka warmay marxaladii ay jaamacadu soo martay isla markaasna hanbalyeeyay ardaydaas qalin jabinaysay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan hanbalyaynayaa ardaydaas qalinjibisay ee wajiyadoodu ay iftiimayaan ee wiilal iyo habloba leh oo ah 205 arday,kuwaas oo aanu mudo sanad ah ku soo tabcaynay,waalidka ku soo dadaalay macalimiintii iyo maamulkiiba hanbalyo ayay mudan yihiin."

Sidiid Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu idhi "Jaamacadan Islamic Online University waxa Somaliland laga aasaasay 2013 kii,waxaan ku bilownay kuliyado dadkeenu u baahnaa kadib markii aanu daraasaynay, waxaanu go'aansanay inaan buuxino inta waxbarashadeedna ka dhiman, lixkuliyadood ayaanu ku bilownay 2013-kii, waxaanu bilownay 2014-kiina barnaamijkan luuqada oo aanu keenay dad u dhashay oo khubaro ku ah."

Maamulka jaamacadu isaga oo ka hadlaayay waxyaabaha ay qabteen waxa hadaladiisa ka mid ahaa"Waxaanu diyaarinay ilaa 2014-kii 60 macalin oo aqoon durugsan u leh luuqada Ingiriisiga kuwaas oo ajaanib iyo soomaaliba isugu jira, kuwaas oo dhalinyaradeena tacabgalisay. waxa bushaaro ah in Somaliland aanu markii ugu horaysay u samaynay manhaj luuqada Ingiriisiga ah oo ka bilowda fasalka koowaad ee dugsiga sare ilaa ka afaraad, 25-kaas sanadood ee ay Somaliland jirto waa markii ugu horaysay ee ay yeelato manhaj ay leedahay oo luuqada Ingiriisiga ah anaga oo la kaashanayna shirkada daabacaada ee Hema Books"

Axmed Cabdicasiis Maamulaha dugsiga Al-baxrayn oo halkaas kaga hadlay afka dugsiyada barnaaijka luuqada ay ardaydoodu ka qaybgaleen ayaa hanbayeeyay ardayda"Waxa farxad aad iyo aad u weyn noo ah inaan ka soo qaybgalno xafladan qiimaha badan ee aadka u qaaliga ah ee ay jaamacada Islamic Online University ay ka waday dugsiyada haayada Geeska Afrika hoosyimaada, runtii faa'idada uu barnaamijkani leeyahay waad arkayseen in ardaydu ay tix iyo tiraaba luuqada Ingiriisiga inuugu soo bandhigeen, taas oo ina tusaysa heerka ay ka gaadheen horumarka luuqada ay mudada sanadka ah baranayeen."

Guddoomiye xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa dhankiisa ardaydan u duceeyay, sida oo kalena ku hanbalyeeyay waxbarashadan ay qaateen"Waxbadan idin odhan maayo ee waan idiin ducaynayaa, waxaanan u mahadnaqayaa macalimiinta dadaalka idingalisay ee maanta halkaas idin gaadhsiisay iyo waalidka idiinsuurto galiyay inaad waxbarataan inbadan oo qayrkiin ah ayaan fursadaas helin oo qaarkood iska daa tacliine ay cuntadii la'yihiin, markaas waalidka iyo macalimiintiinaba waa inaad ixtiraamtaan."

Maamulaha dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahin oo halkaas ka hadlay ayaa hanbalyeeyay ardaydan 205 ah ee ka qalinjabisay Islamic Online University.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Axmed Xuseen ayaa dhankiisa isaguna halkaas waxa uu ka sheegay"205-taas arday ee qalinjabiyay gaar ahaan hablaha waxaan idin leeyahay hanbalyo, waxaan u mahadcelinayaa maamulka iyo macalimiinta jaamacadan Islamic Online University, waxa fiicnaan lahayd inaan marka horeba dugsiyada hoose ka bilowno luuqada ee maaha inaan xagasare ka dhisno, waayo ardaydeena jaamacadaha dhigta ma jiro mid laba bog oo luuqada Igiriisiga ah qorikara. hays odhanina waad ku qalinjabiseen sanadkaas aad luuqada baranayseen ee isku daya inaad aliftaan buug, si ardayda yaryar ee idinka hoosaysaa ay uga faa'idaysato."

Ugu danbayntii waxa xafladaas qalinjabinta ahayd lagu soo gunaanaday shahaadooyin la gudoonsiiyay ardaydii u saraysay 205-taas iyo sida oo kale shahaadooyin la siiyay xubno kale.