2 Daqiiqo Oo Orod Ah Maalin Kasta Iyo Tamaandhada Oo Sida Sharaabka Loo Cabbaa Waxa Ay Dawo U Yihiin Lafaha

0
1030

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in qofka oo maalin kasta laba daqiiqo oo keliya ordaa ay si weyn u xoojiso caafimaadka lafaha, gaar ahaan dumarka. Tijaabooyin ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ayaa muujiyey in dumarka caado ka dhigta in ay daqiiqad ama laba maalin kasta ordaan uu caafimaadka lafahoodu boqolkiiba 4 kor u kacay, marka la barbardhigo dumarka aan iyagu samayn jimicsiga. Halka dumarka maalin kasta daqiiqad ama laba kor u qaada biraha iyo walxaha culus ee lagu jimicsado iyagana la ogaaday in boqolkiiba 6 uu wanaagsanaaday caafimaadka lafahoodu.

Waxa ay daraasaddu intaas ku dartay in caafimaadka lafuhu ay faa’idooyin badan o ocaafimaad u leeyihiin qofka waxa aana ugu horreysa in ay ka hortag u tahay in ay si deggen u jabaan, iyo in gabowgu dhaawacyo gaadhsiiyo.

Cilmibaadhis hore ayaa iyaduna daaha ka rogtay in jimicsiga joogtada ah, gaar ahaan socodku uu yareeyo dhibaatada dhinaca socodka ah ee inta badan ku dhacda dadka waaweyn.

Waxa kale oo ay cilmibaadhistu muujisay in jimicsigu uu yareeyo khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka maskaxda dilka ee Alzheimer, maadaama oo uu jimicsigu maskada gaadhsiiyo dhiigga ay u baahan tahay.

Hababka kale ee ay khubarada caafimaadku sheegeen in lagu xoojin karo caafimaadka iyo adkaanta lafaha oo uu Geeska Afrika soo koobay waxaa ka mid ah:

– In Jidhku uu helo Faytamiin D, inta badan waxaa laga helaa qorraxda, oo ah isha ugu muhiimsan ee laga helo faytamiinkan oo masuul ka ah nafaqaynta cuntada, isla markaana suurtogeliya in lafuhu ay nuugi karaan Kalshiyaamta.

– Tamaandhadha: Tamaandhadha oo aad loo cuno, iyada oo laga dhigayo sida sharaabka waxaa laga helaa maaddooyin caawiya badqabka iyo caafimaadka lafaha, waxa aanay khubaradu ku taliyaan in qofku uu maalin kasta cabbo koob sharaab tamaandho laga sameeyey ah.

– Miisaanka: Si lafaha caafimaadkooda loo ilaaliyo waxaa muhiim ah in jidhka laga ilaaliyo dufanka ku urura, gaar ahaan dhexda iyo caloosha, oo calaamad iyo hordhac u ah lafaha oo daciifa iyo xanuunno kala duwan oo kale.

– Cuntooyinka sida gaarka ah loo tilmaamay in ay caawiyaan caafimaadka lafaha waxaa ka mid ah, khudradda, gaar ahaan caleenta iyo khudradaha cagaarkoodu rasiinka yahay.