WAR-SAXAAFADEED

0
817

20th May 2014

WAR SAXAAFADEED:

 

Daladda Caafimaadka Guud ee kulmisa dadka Soomaalidu (the Health Consortium for the Somali People) waxay u dabaal degaysaa guulaha laga gaadhay isku-xidhka adeegyadda caafimaad ee asaasiga ah ee EPHS (Essential Package of Health Services)

Kadib markii todobaadkii hore magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Adeegyada Isku-xidhan ee Caafimaadka Aasaasiga ah (EPHS), Daladda Caafimaadka guud ee kulmisa Dadka Soomaalidu (HCS) waxay u dabaaldagaysaa guusha laga gaadhay saddexdii sannadood ee uu mashraaca Adeegyada Isku-xidhan ee Caafimaadka Aasaasiga ahi (EPHS) uu tijaabada ku ahaa Somaliland, Puntland iyo Gobollada Badhtamaha iyo Koonfurta Somalia.

Qiimayn lagu sameeyay mashruucan tijaabada ah oo ay fuliyeen khubaro cilmi-baadhayaal madaxbanaan waxay daaha ka rogeen in mashruucan EPHS oo ka kooban taageero loo fidinayo helista xarumo caafimaad iyo qalab, kor u qaadida nidaamka caafimaadka, tababar loo fidiyo shaqaalaha, ay horseeday in guulo dhab ah laga gaadho tusaha ama tilmaamaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Mashruucan oo markii u horaysay la bilaabay 2008dii, waxa hirgalisay Dallada Caafimaad ee Kulmisa Dadka Soomalida (the HCS) oo taageero ka helaysa hay?adda UKaid, iyada oo wada shaqayn buuxda la leh Wasaaradaha Caafimaadka. Haddaba Adeegyada Isku-xidhan ee Caafimaadka Aasaasiga ah (EPHS) wuxuu bilaabay nidaam qaab-dhismeed guud iyo qiyaasta heerka u hooseysa kaas oo sahlaya in dumarka iyo carruurta nugul eek u nool meelaha mashruuca tijaabada ah laga fuliyey helaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran. Sidaa daraadeed, mashruuca Isku-xidhku Adeegyada Caafimaadee EPHS, wuxuu la gaar yahay aragtida ka kooban saddexda heer ee kala ah, heerka bulshada, heerka xarumo caafimaad iyo heerka qaab-dhismeed.

Dib-u-eegistani waxay muujisay in si ka duwan daladdaha caafimaadka ku bahoobay ee hadda ka hawlgala Somalia, in dallada HCS (oo ka kooban shan urur oo kala ah HPA, Save the Children, THET, Trocaire iyo PSI) ay galisay casriyeyn dhammaan mashaariicda ay fuliso.

Dalladdu waxay xarumo badan oo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka lagu daryeelo u samaysay korontada ku shaqaysa qorraxda. Sidoo kale, waxay maalgelin ku samaysay gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay, xoojisayna habka gudbinta guud ee bukaanka, taasoo ah in la joogteeyo in si toos ah loo helo adeegyadda caafimaad markasta oo bukaanku u baahdo. Dalladdu waxay wadashaqeyn buuxda la lahayd wasaaradaha heer qaran iyo heer gobolba ee caafimaadka si loo ogaado lahaanshaha iyo kormeerida fulinta barnaamijka, iyagoo sidoo kale si joogta ah ula shaqeeya bulshada si loo dhiso dareenka lahaanshaha bulshada ee ah inuu sii waaro saamaynta mashruucu.

Qaar ka mid ah guulihii la gaadhay sannadkii 2010 ilaa hadda waxa ka mid ah:

· Bukaan socodka soo booqanayey xarrumaha caafimaadka sannad kasta waa mid kor u sii kacayey, gaar ahaan hooyooyinka iyo carruurta ka yar shan sanno. Xoguhu waxa ay ina tuseen in bukaan socodku saddex jeer laabmeen gobolka Karkaar, labanlaabmeenna gobolka Saaxil halka gobolka Gedo oo ay boqolkiiba lixdan (60%) kor u kaceen. Guud ahaan tirada bukaan-socodka ah ee soo booqday xarrumaha caafimaadku waxay gaadheen 954,700 sida laga soo wariyey gobolada mashruucan tijaabada ku ahaa.

· Dumarka wakhtiga ay uurka leeyihiin adeegyadda ka hela xarrumaha caafimaadku waxay kor u kaceen boqolkiiba konton (50%) gobolka Saaxil, boqolkiiba shan iyo lixdana (65%) gobolka Karkaar. Korodhkan waxa uu keenay in dumar tiradoodu dhn tahay 62, 787 oo uur leh ay ugu yaraan laba jeer booqdaan xarumaha caafimaadka dhamaan saddexda gobol ee mashruucan ka socday, taas oo muhiim u ah caafimaadka hooyada xiliga ay uurka leedahay.

· Guud ahaan waxa kale oo kor u kacay tirada carruurta ee ku dhashay xarrumaha caafimaadka, gobolka Gedo 6% ilaa 19%, gobolka Saaxil 5% ilaa 41%, gobolka Karkaarna 4% ilaa 35%. Guud ahaan, tiro dhan 17, 066 oo caruura ayaa dhashay taas oo ay fududeysay kaalmada umulisooyin xirfad leh, taas oo yaraysay tiradii badnayd ee caruurta lagu dhalo guryaha.

· Carruur tiradoodu dhan tahay 44,000 oo ka yar shan sanno ayaa si buuxda loo talaalay, halka sidoo kale carruur dhan 312,351 oo ka yar shan sanno ay heleen nafaqaynta aasaasiga ah.

· Dallada HCS waxay sidoo kale dhiseen aqoonta 596 shaqaalaha caafimaadka ah oo ay ku jiraan 497 umuliso oo xirfad leh, si ay u siiyaan hooyooyinka iyo dhallaanka adeegyadda caafimaadka.

Natiijooyinka ka soo baxay mashruucan tijaabada ahaa waxay ina tusayaan inay lagama maarmaan tahay in la ballaadhiyo mashruuca.

Dr. Faarax oo ah Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay:

„„Waxaanu ku qanacnay sida wanaagsan ee mashruuca EPHS uga socodo gobolka Gedo oo ay Hay?ada Trocaire gacanta ku hayso, waxaanan filaynaa in natiijada mashruucan ay sii wadi doonto kor-u-qaadista caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Waxaanu doonaynaa inaan ka faa`iidaysanno duruustii aanu ka helnay mashruucan tijaabada ah, imikana xoogga saarno sidaanu ugu fidin lahayn gobolka Gedo iyo Soomaliya oo dhan??

Waxaa sidoo kale taageeray, siina xoojiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr.Cismaan Warsame wuxuuna yidhi:-

„?HCS-ku waxay si wanaagsan oo wada shaqayn leh nooga qayb gelisay hirgelinta EPHS-ka ee gobolka Saaxil, dalladda HCS-na si fiican ayey ula shaqeeyaan Wasaaradda Caafimaadka, waxaanay had iyo jeer ku dadaalaan in bulshadu lahaato mashruucan iyo shaqaalaysiinta muwadiiniinta dalka gudihiisa jooga iyo dibadiisaba, taasina waxay ka qayb qaadanaysaa wanaajinta mashruuca. Hirgelintii mashruucan ee gobolka Saaxil waxay si weyn wax uga badashay caafimaadkii bulshada, waxaanu EPHS-ku noo noqday haldoorka mashaariicda caafimaadka ee Somaliland ka socda.

Saba Khan, oo ah la-taliya dhinaca farsamada dalladda HCS-ka, waxay tilmaamaysaa in mashruucan si degdeg ah guul ku gaadho ay ka dhalatay hay?adaha HCS-ka oo marwalba isticmaalayey currinta

fikrado cusub iyo horumarinta mashruucan, waxaanay tidhi:

 

“Guulaha mashruucan waxaa lagu gaadhay wakhti aad iyo aad u kooban taas oo ay sabab u ahayd currinta fikrado cusub iyo wada-shaqaynta xoogan ee maamulada heer qaran, heer gobol iyo heer bulsho, sidaa daraadeed haddii tubtan lagu ilaaliyo, HCS-ku way sii wadi doonaan inay hoos u dhigto tirada dhimashada ama xannuunada laga hor tagi karo ee hooyooyinka iyo dhalaankooda yaryarba.??

Farxiya oo kamid ah hooyooyinka ka faa?iidaystay adeegga HCS-ka ee xarrunta caafimaadka Xingod ee gobolka Karkaar, ayaa dhawaan ku umushay ilmaheedii lixaad, waxayna tidhi:

“Xarruntan caafimaadku waa mid fiican sababtoo ah waxay bixiyaan adeeg caafimaad oo qof kasta bilaash u ah, xataa waxaa adeeg caafimaad ka helay odaygayga, waxaan halkan u nimaadnaa si aanu ugu dawayno carruurtayada, sidoo kale hooyooyinka uurka leh waxay ka heli karaan cunto nafaqo leh, waanay isku shaybaadhi karaan si ay u ogaadaan heerkooda caafimaad xiliga ay uurka leeyihiin… imika waxaan aragnaa hooyooyin badan oo imanaya xarruntan caafimaadka si ay ugu umulaan.??

Haddaba iyada oo ay daba socoto guulaha laga gaadhay EPHS dhammaan saddexdii gobol ee mashruucan uu tijaabada ku ahaa, dalladda HCS waxay hadda awoodda saaraysaa inay kala shaqayso masuuliyiinta caafimaadka si ay ula wadaagaan duruustii laga bartay mashruucan, ugana qayb qaataan sii fidinta mashruuca EPHS-ka. Waxay tani si gaar ah raad ugu yeelatay Dawladda Soomaaliya, iyada oo taageero ka helaysa hay?adaha Qaramada Midoobay inay toddobaadkii hore si guul ah uga hirgaliyeen EPHS-ka magaalada Muqdisho.

Phil Evans oo ah madaxa DFID u qaabilsan Somalia wuxuu yidhi;

„?Kadib markii ay ka hirgalisay Dawlada Somalia mashruucan (EPHS) magaalada Muqdisho toddobaadkii hore, ayaa dawlada Ingiriisku waxay aad ugu faraxsan tahay inay aragto saameynta fiican ee uu mashruucan hore uga gaadhay goboladii uu tijaabada ku ahaa ee ay fuliyeen xubnaha dalladda HCS, taas oo aad u horumarisay nolosha hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed. Mashruucan (EPHS) wuxuu muhiimad weyn u yahay dawladaha dhammaystiray Qorshaha Istaraatiijiyadda Waaxda Caafimaadka (Health Sector Strategic Plans) iyo duruustii laga bartay mashruucan tijaabada ah uu ka caawinayo xoojinta iyo fiditaanka EPHS-ka.

UKaid waa taageeraha u weyn ee dalladda HCS-ka, iyadoo ku maalgelisay laga bilaabo July 2010 ilaa july 2013kii, 13 milyan (Saddexiyo toban milyan) oo ah giniga Istarliinka,iyadoo sidoo kale loo qoondeeyay 25 milyan (shan iyo labaatan milyan) oo ah giniga Ingiriiska oo socon doona ilaa june 2015ka.

HCS-ku waxay mar walba ay si buuxda uga duushaa Qorshaha Istaraatiijiyadda Waaxda Caafimaadka ee Soomaalida (Somali Health Sector Strategic Plans), kaas oo la daah-furay bishii March ee sannadka 2013-ka.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xidhiidh

Karen Stephenson: DFID Somalia Health Advisor k-stephenson@dfid.gov.uk

Saba Khan: HCS Technical Advisor sabakhan@hcsshare.org

Picture1