135 Kun Oo Bakteeriya Ah Ayaa Saaran Warqadda Lacagta Ah, Burushka Ilkaha Iyo Taleefanka Gacantuna Ma Dhaaamaan

23
3002

Hore ayaa ay xeeldheereyaasha cudurrada faafaa u caddeeyeen in weelka caagga ah ee yaalla meelaha baadhisaha amniga ah lagu sameeyo ee gegooyinka diyaaraduhu ay ka wasakh iyo jeermis badan yihiin fadhiga suuliga. Laakiin waxa aan hore loo ogeyn hadda uun warkeedu soo baxay in ay jiraan walxo nolol maalmeedkeenna xidhiidh la leh oo aan ka wasakh yarayn kuwaas hore, waajibna ay tahay in qofku uu ka feejignaado khatarta kaga iman karta, kuna dadaalo in uu si joogto ah nadaafaddooda u dhowro.

Warbixin arrintan ka hadlaysa oo lagu faafiyey shabakadda wararka ee Aljazeera oo soo xiganaysa wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee The Guardian ayaa lagu sheegay qaar ka mid ah walxahaas bakteeriyada iyo jeermisku buux dhaafiyeen ee innaga oo aan ogeyn aynu maalin kasta la falgalno.

Lacagta

Ergeyga arrimaha caafimaadka ee magaalada New York ayaa baadhis uu sameeyey kaddib sheegay in ay jiraan 135 kun oo bakteeriya ah oo ku dul nool warqad keliya oo ka mid ah lacagta aynu isticmaalno. Xeeldheereyaasha caafimaadka ayaa iyaguna sheegay in gacanta lacagta lagu qabtaa ay khatar ugu jirto in kumannaan ka mid ah jeermiska iyo bakteeriyada lacagta ku dul nooli u gudbaan jidhkiisa taasina horseeddo xaalad caafimaad darro.

Buushka weelka lagu dhaqo

Chris Smith oo ku xeeldheer ka tirsan jaamacadda Cambridge oo ku xeeldheer cilmiga fayraska ayaa xaqiijiyey in ay lagama maarmaan tahay in burushka weelka lagu dhaqo, haddii mar labaad in la isticmaalo la doonayo ay waajib tahay in marka hore la kariyo si loo nadiifiyo.

Taleefankaaga gacanta

Taleefanka gacantu waxa uu ka mid yahay qalabka ugu bakteeriyada iyo jeermiska badan ee nolol maalmeedkeenna ka mid ah. Shaybaadhada lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in halkii taleefan dushiisa laga helayo tobannaan kun oo bakteeriya iyo jeermis ah. Waxa ay u sii kala khatar iyo tiro badan yihiin hadba sida ay u kala caafimaad iyo nadaafad badan yihiin dadka isticmaalaa iyo sida uu deegaankoodu u kala nadaafad iyo caafimaad badan yahay.

Haddaba waxaa lagaaga digayaa in aad saaxiibkaa ama jaalkaaga iyo qof kale oo kasta la isticmaasho taleefankiisa gacanta, marmarka ay ka fursan weydo, si ugu yaraan khatarta loo dhimo, waxaa laguugula talinayaa in aad isticmaasho sameecadda dhegaha la gashado oo aad adigu leedahay.

Burushka ilkaha: Sababaha aynu u cadaynno waxaa kow ka ah in aynu dhowrno caafimaadka afkeenna. Laakiin waxaa in badan dhacda in burushka aynu ilkaha ku nadiifinayno ama cadaygu ay innagu keenaan khatar ka badan ta aynu afkeenna ka nadiifinaynay. Ha ku cadayan burush aanad nadiifin aadna u hubin nadaafaddiisa. Cilmibaadhis la sameeyey sannadkii 2011 ka, ayaa lagu ogaaday in burushka iyo boqolkiiba 27 weelka burushka lagu dhex ridaa ay buux dhaafisay bakteeriyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here