130 Ruux Oo Imtixaan U Galay Shaqaalenimada Hay’adda Hubinta Tayada

0
2194

 

Hargaysa(Geeska) Hay’ada Shaqaalaha ayaa shalay imtaxaan u fadhiisisay shaqaale tiradiisu ay tahay 130 oo ay soo codsatay in imtaxaanka la mariyo hay’ada Ilaalinta Tayada Oo 67 kamid ahi yihiin shaqaalaheedii inta soo hadhayna ay yihiin kuwo soo codsaday shaqooyin ka banaanaaday hay’adaas. Waa sida la sheegaye.

Shaqaalahan ka tirsanaa hay’ada Ilaalinta Tayada iyo shaqaalaha cusub ee soo codsaday shaqooyinka hay’adaas ay hayso ayaa dhamaantood waxa ay imtaxaanka ugu fadhiisteen hoolka guriga shaqaalha, halkaas oo ay hay’ada Shaqaalahu kaga qaadaysay imtaxaano kala duwan oo ku tacaluqa qof kasta iyo shaqada uu soo codsaday.

Ugu horayn waxa lagu hor dhaariyay shaqaalahan imtaxaanka u fadhisanayay macalimiintii iyagu imtaxaanka soo diyaariyay si shakiga dhanka eexashada ah looga saaro shaqaalahan imtaxaanka u fadhisanayay, sidoo kalena waxa ay xuseen masuuliyiinta hay’ada shaqaaluhu inay macalimiintan ay diyaariyeen imtaxaanka subaxnimadan imtaxaanka la qaadayay uun.

Dhaartaas macalimiinta la dhaariyay kadib waxa la hadlay shaqaalahan imtaxaanka u fadhisanayay gudoomiyaha hay’ada ilaalinta tayada Siciid Saleebaan Mire waxaanu ku dardaarmay inay niyada wanaajistaan shaqooyinka banana ay heli doonaan uun cidii ilaahay calf ugu daray hadalda gudoomiyahana waxa kamid ahaa “Qofka islaamka waxa u aamimsanyahay in aan waxa loo qoray cidina ka qaadi karayn, markaa halkan maanta cidii wax ilaahay uga qoray waa ay ka helaysaa cidii kalena dee insha allaah wax kale waa ay iska heli kartaa, waxaan idinka rajaynayaa niyad sami iyo tuhun wanaagsan aad u qabtaan macalimiinta iyo komishankaba, anigana isugu kaymid ayaad tihiin, isu hanbal yeeyana markaad imtaxaanka ka baxdaan, runtii hay’adan Shaqaalahana culays badan ayaa saaran wadankana dhaqaale badan kama jiro. Hadii alle qadaro shaqooyinkaleba waydun iska heli kartaan intiina waydaana”

Waxa isna halkaas ka hadlay gudoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil oo ka dhawaajiyay in markii ay baahiyeen shaqooyinkan ka banaan hay’ada Ilaalinta Tayada ay soo codsadeen kodhwaad kun foq, waxaanu gudoomiyahu qiray inay hadal haynta, cabshada iyo eeduba ay ku badan yihiin.

Shaqaalahan imtaxaanka u fadhisanayay ayaa waxa laga qaaday imtaxaano kala duwan oo ku salayan shaqooyinka ay soo kala codsadeen, waxaanu imtaxaanka ay si rasmiya ugu fadhisteen 12:00 duhurnimo waxaana la siiyay wakhti laab saacadood ah.