12 Dumar Ah Oo Ka Cabanaya In Madaxweyne Trump Uu Kula Kacay Xadgudubyo Jinsi Ah Iyo Xodxodasho

0
1060

Washington (Geeska)- Haweenay lagu magacaabo Samar Seerfos ayaa toddobaadkii hore maxkamad ku taalla Maraykanka ku xaraysay dacwad uu qareenkeedu diyaarinayey tan iyo bishii saddexaad oo la xidhiidha in madaxweyne Trump uu falal xadgudub jinsiya ah kula kacay dumar ay Samar ka mid tahay.

War lagu faafiyey shabakadda Buzzfeed ayaa ayaa intaas ku daray in qareenkani uu Guriga Cad ee Maraykanka looga taliyo iyo lataliyeyaasha Trump ee dhinaca sharciga ka codsaday in arrintan ay ka jawaabaan cabashada Samar.

Samar Seerfos ayaa sannadkii 2006 ka qaybgashay barnaamij talefishan oo lagu magacaabo ‘The Apprentice’ kaas oo uu soo jeedin jiray Donald Trumop. Bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ah toddobaaddo uun ka hor doorashadii madaxtooyada ee dalka Maraykanka ayaa ay Samar oo deggen gobalka Los Angeles ay qabatay shir jaraa’id oo ay ku wehelinaysay haweenayda qareenka u ah ee Galooriya Reyd, waxa aanay sheegtay mar ay Trump la kulantay sannadkii 2007  si ay shaqo u weydiisato in uu xog-xodasho badan ku sameeyey.

Donald Trump ayaa eeddaas mar dambe oo uu ka hadlay si adag u beeniyey, waxa aanu Samar ku tilmaamay ‘Beenaley’ doonaysa in ay caan ku noqoto arrintan, waxa se uu qirtay in ay runteed tahay oo ay is arkeen sannadkii 2007.

Samar dacwaddeedan kama ay hadhin ee muddadaas sannadka ah waxa ay urursanaysay caddaymo dheeraad ah, waxa aanay hadda ku soo dartay dumar 10 dumar ah oo dhammaantood sheegaya in uu Trump marar kala duwan fara-xumayn iyo xog-xogasho kula kacay.

Sheekadani waxa ay ku bilaabatay warbixin uu wargeyska The New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanku baahiyey mar sii horreysay. Warbixintaasi waxa ay soo xigatay maragga laba dumar ah oo sheegaya in maalqabeenkan madaxweynaha noqday uu marar kala duwan xod-xodasho kula kacay. Marka hore waxa ay ahayd muddo hadda laga joogo 30 sano oo ay diyaarad si kedis ah isugu barteen Jeeska Leydis, waxa aanay sheegtay in intii ay safarka ku jireen ay gacantiisa marar badan ka baxsan weyday. Gabadha kale oo lagu magacaabo Raasheel Karook ayaa iyaduna sheegtay in mar ay Trump isugu soo galeen wiishka loo fuulo dabaqa dheer ee uu ku leeyahay magaalada New York sannadkii 2005 uu Trump si fool xun u xod-xotay.

Madaxweyne Trump ayaa isagu eedahan oo dhan diiddan, kuna tilmaamaya in ay yihiin been abuur, marar kala duwanna waxa uu warbaahinta Maraykanka ku eedeeyey in ay ku tahay cadow doonaya in sumcaddiisu dhimato.