110 jir GuurdoonaGolaha Guurtida Oo Guddi U Saaray Dilkii Xaaji Saalax Ka Dhacay

0
750

Picture2Hargeysa(Geeska)-Mudanayaasha golaha guuritda ayaa galay fasax laba bilood ah, isla markaasna waxa ay gudi u saareen deegaanada Oodweyne oo dhawaan taliyihii degmada Xaaji-saalax loogu dilay aano qabiil.

Fadhigan oo uu shir gudoominayay guddoomiyaha golaha guuritda Saleebaan Maxamed Aadan, ayaa sida oo kale uu guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas Siciid Jaamac Cali oo inta badan fadhiga 52 shir guddoominayay ayaa ka warmay fadhigan sida uu golahu u qabsaday hawlahiisa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Kal fadhigan aynu  ku jirnaa waa kal fadhigii 52-aad kal fadhigaas ajandihiisu waxa uu ka koobnaa sagaal qodob,qodobadaas ajandaha sidii caadada inoo ahayd goluhu wuu soo wada maray waana uu ka wada dooday,haday tahay dhinaca siyaasada, dhinaca nabada galinyada iyo ta degaankaba haday noqoto.”

Waxa uu guddoomiye xigeen Siciid sheegay inay fadhigan u yeedheen shan wasiir si ay warbixino uga helaan“Nasiib daro wasiirada aanu u yeedhay waxa ay ahayeen shan wasiir waxaana la kulanay 3-wasiir oo uu wakhtigu noo saamaxay labada wasiir ee kala waxa naga soo dhexe galay khilaafkii soo kala dhexe galay golaha wakiilada ee aanu xalka ka gaadhnay, wasiiradaas kalen waxaanu u dhiganay kalfadhiga danbe hadii ilaahay yidhaahdo.”

Guddoomiye xigeen Siciid isaga oo waxqabadkooda kalfadhigan 52 sii wata waxa uu yidhi“Goluhu waxa uu ka hawl galay dhacdo ka dhacday magaalada adhi cadeeye oo in badan soo noq-noqatay taas oo ahady nin la kala dilay xitaa inuu golahu ka bixiyay mago sidii uu u kala furdaamin lahaa labadaas belood waftigina ilaa hada way ku maqan yihiin.Arinta kale ee goluhuna ka hawl galay waxa ay ahayd khilaafkii soo kala dhexe galay mudanayaasha golaha wakiilada ee Somaliland taas oo uu golaha guurtidu ku kala guntaday.”