“100% Waan Soo Dhaweeynayaa In Wada Hadalada Dalka Turkiga Laga Soo Wareejiyo”

32
3266

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo doorka dawladda Turkiga.

Wasiirkii hore ee Gaashandhiga oo u waramay wargeyska Geeska Afrika mar uu ka hadlaayey sida uu u arko in Turkiga laga soo wareejiyo wada hadalada ayaa yidhi “Boqolkiiba boqol waan soo dhaweeynayaa in wada hadalada Turkiga laga soo wareejiyo, kolay aniga imika carab ku balaadhintu waxba ii tari mayso, laakiin halka Islaamka iyo waxtarkooda iyo markay cidhiidhi ku jiraan, Turkigu magac fiican buu ku leeyahay, laakiin cid aan wax ka dhinayni ma jirte, isaga laftiisa faa’iido uu ka helayo ayaanan garanaynin iyo horumar uga imanaya labada umadood, haddii uu u kala hiiliyo, oo qolana waan jecel ahay, qolana waan neceb ahay  iyo kala doorashadu maaha kubadii la ciyaarayey, ee labada kooxood la kala raacayey, waa qadiyad masiiriya, oo umaddo mustaqbalkoodii ku xidhan yahay, marka in Turkigu ka mara habaabo, may ahayn, oo waliba Turkiga waxyaabo badan oo xumaha sii kordhin kara, oo wanaag jiraynin,baa laga soo sheegayaa dhaq-dhaqaaqiisa halkan uu joogo waxbana kama qabto, waxbana kuma darsado”.

Wasiirkii hore ee Gaashiga mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko sicir bararka baahsan ee dalka ka jira ayaa ku jawaabay “Sicir bararka Guddi baa loo diray,ee in iyaga laftooda in lagu guubabiyo inay dadajiyaan weeye,abaarta ayaa soo noq-noqta, balse Sicir bararku farsamo ayuu u baahan yahay, bisankana ha loo qabto, guushana ha lagu ducaysto, sicir bararku waa wax inaga ina soo food saaray oo qudha maaha, ee inta badan Caalamka uu ka jiraa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here