10 Meelood Oo Dunida Ka Mid Ah Oo Ay Manuuc Tahay In La Galo, Iyo Sababaha Dadka Loogu Diiday (1)

31
3436

Warbixinno kala duwan ayaa ay warbaahintu ka qortaa meelo dunidan ka mid ah oo aan qof keliya oo dunida jooga loo ogolayn gelitaankooda. Haddaba shabakadda internet ka ee Business Insider ayaa dhowaan faafisay liiska toban meelood oo adduunka ka mid ah oo aanay qofna u suurtagal ahayn in uu galo. Waxa aanay goobahaasi yihiin:1. Jasiiradda Abeesada, BaraasiilWaxaa jirta sheeko-baraley tiro badan oo isku waafaqsan in jasiiradda Ela da Queimada Grande oo sida oo kale lagu naanayso jasiiradda abeesooyinka ay joogaan abeesooyin dilaa ah oo qof ka taga noloshiisa khatar gelinaya. Mid ka mid ah sheekooyinkaasi waxa ay sheegaysaa in jasiiradda halkii mitir ee kasta ee dhulka ay ku fadhida ka mid ahba uu joogo hal mas, taas macnaheeduna uu yahay in jasiiraddu ay la ciirciirayso masas iyo abeesooyin ah noocyada dunida oo dhan ugu khatarta badan. Abeesooyinka jasiiraddan jooga waxaa ka mid ah mid madaxeegu leeyahay midab dahabi ah, oo ah baseeso sun badan, oo jidhka bani’aadamu uu burburayo haddii ay qaniinto.Haddaba iyada oo laga duulayo sheeko baraleydaas, ayaa si looga taxaddaro in ay run noqon karto oo dadka meeshaas taga khatari ka soo gaadho abeesooyinkaas, waxa ay xukuumadda dalka Baraasiil soo saartay sharci mamnuucaya in jasiiraddaas ay cidi tagto, muwaadin iyo cid shisheeye ah labaduba.2. Dhulka cidlada ah – QubrusDalka Qubrus oo ah jasiirad ku taalla Bariga badweynta dhexe (Meditereeniyaan) sannadihii 1955 kii illaa 1964 kii waxaa ka dhacay dagaallo sokeeye oo u dhexeeyey dadka asalkoodu yahay Giriigga iyo dadka asalkoodu yahay Turkiga ee wada deggen, waxa aanu dagaalkaasi ku joogsaday heshiis xabbad joojin ah, heshiiskaas waxa kale oo ka dhashay qodob Qaramada Midoobey siinayey sharciyad ay ku maamusho dhul loo bixiyey dhulka xabadda ka caaggan ee Qaramada midoobey ku leedahay Qubrus. Dhulkan oo uu labada dhinac kaga xidhan yahay derbi aad u dheer ayaa ah dhul milateriga ka caaggan oo ay ciidamada nabad ilaalinta ee Qarmaada Midoobey maamulkiisa gacanta ku hayaan. Waa dhul bari iyo galbeed marka loo raaco 180 kiiloomitir ah ballaciisuna yahay 7 kiiloomitir oo Qubrus ka dhigay qaybta Qubrus iyo Qubrusta Turkiga oo ah dal madaxbannaan laakiin dalka Turkiga oo keliyi aqoonsan yahay. Dhulkan waxaa ka mamnuuc ah in uu galo qof keliya oo muwaadin iyo shisheeye midka uu doono ah oo aan ahayn ciidamada iyo hawlwadeennada Qaramada Midoobey.3. Qabrigii Qin Shi Huang – ShiinahaDad beeraley ah ayaa sannadkii 1974 kii helay qabriga Imaraadoorkii koowaad ee Shiinaha, Qin Shi Huang, baadhitaannadii ay ku sameeyeen culimada raadraaca aataartu waxa ay qabriga hoggaamiyaha hareerihiisa ka heleen hadhaadiga iyo qubuuraha in ka badan 2 kun oo askari oo ah ciidankiisii. Waxa aanay taariikhyahannadu sheegayaan in ay weli jiraan 8 kun oo kale oo askartii iyo hawlwadeennadii Imaraadoorka ah, kuwaas oo aan weli la helin raadkooda.Xukuumadda Shiinaha ayaa soo saartay amar adag oo diidaya in culimada raadraaca iyo saynisyahannadu ay taabtaan qabriga Imaraadoorkii koowaad ee Shiinaha, waxa aanay ku wareejiyeen derbi aanay cidi geli karin. Sababta ay dawladdu u diiday in la galo gudaha qabrigan oo muddo 210 sano ah aanay cidi gelin, ayaa lagu sheegay ixtiraam ay dawladdu u hayso maytida iyo cabsi ay ka qabto in tiknoolajiyadda casriga ahi ay dhibaato gaadhsiiso wasladaha aataarta iyo hadhaadiga ah ee qabrigan yaalla. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here