10 Kii Daqiiqo Ee Kasta Dunida Waxaa Ku Dhasha Ilmo Aan Jinsiyad Iyo Dal Midna Lahayn

0
587

New York (Geeska)- Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey salaasadii shalay oo xalay laga akhriyey xarunta Qaramada midoobey ayaa  shaaca ka qaadday in tobankii daqiiqo ee kasta uu dunida ku dhasho ilmo aan jinsiyad lahayn, waxa aanay ka digtay in dhibaatadan khatarta badani ay la sii kordhayso korodhka qaxoontiga ka barakacaya dagaallada dalka Suuriya.

Warbixin cusub oo ay soo saartay Haayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxoontiga ee UNHCR ayaa iftiimisay dhibaatada riiqdeedu dheeraanayso ee ay arrintani gaadhsiinayso carruurta dhalanaya iyaga oo aan lahayn jinsiyad iyo dal, waxaana ka mid ah iyaga oo ana heli doonin daryeelka caafimaad iyo waxbarasho ee dawladdooda ay xaq ugu yeelan lahaayeen iyo sidoo kale shaqo rasmi ah oo u qalanta heerkooda aqooneed.

Warbixintan uu xalay jeediyey Antonio Guterres jeediyey ayaa lagu sheegay in sharci ahaan ilmaha Suuriya u dhashay uu jinsiyaddak u heli karo aabihii, laakiin nasiib darro Afar Milyan oo carruur ah oo ka firdhaday dagaallada ka socda Suuriya ay boqolkiiba 25 dhasheen iyaga oo aan aabo lahayn, sidaa awgeed aanay hooyada ku heli karin jinsiyadda Suuriya sida sharciga dalkaasi qabo, isla markaana maadaama oo aanay lahayn shahaadada dhalashada aanay suurtogal ahayn in la aqoonsado inay yihiin Suuriyiin.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in Labaatan dal oo kale oo dunida ku yaalla ay ku nool yihiin tirada dadka ugu badan dunida ee aan jinsiyad lahayni, tiro koob la sameeyeyna lagu ogaaday in ugu yaraan 70 kun oo carruur ahi ay sannad kasta dhalaan aabayaal ku nool dalal aanay jinsiyad ka haysan oo aan muwaadin u aqoonsanayni, celcelis ahaanna waxa ay noqonaysaa in 10 kii daqiiqaba uu ilmo billaa waddan ahi dunida ku dhasho. Dhibaatada kale  ee dadka bilaa wadanka ah haysata ayaa ah in 30 dal oo dunida ka mid ahi aanay ogolayn in cisbitaalladooda lagu daweeyo ilmo aan haysan jinsiyadda dalka ama sharci deggenaanshiyo, sidoo kale waxbarasho looma ogola taasina waxa ay culayska ku sii badinaysaa dadka bilaa wadanka ah ee dunida ku soo badanaya.

Qaramada Midoobey waxa ay soo jeedisay in dunidu arrintan ka tashato oo la sameeyo sharci qasab kaga dhigaya dal kasta in uu ogolaado in ilmaha hooyadii dalkaas u dhalatay uu isaguna jinsiyadda dalkaas helo, iyo in dalka uu ku dhashaa qasab ku siiyo jinsiyadda, isla markaana la joojiyo dalalka yar ee jinsiyadda ku bixiya dhiigga iyo abtirsiinta ama diinta ku xidha.

Ugu dambayntii Qaramada Midoobey waxa ay go’aansatay in ay bilaabayso hawl iyo ol’ole ay inta ka horreysa sannada 2024ka dunida oo dhan kaga tirtirayso jinsiyad la’aanta.