10 Arrimood Oo Sabab U Noqon Kara In Aanu Qofku Abidkii Maal-Qabeen Noqon Ama Lacag Kaydsan (Q: 3)

0
823

Picture9Washington (Geeska)- Waa qormadii saddexad uguna dambaysay taxanihii aynu kaga waramaynay Tobanka qalad ee ay khubarada maaliyaddu sheegeen in ruuxa caadaysta ay ka hor istaagayaan in uu maalqabeen noqdo ama lacag fiican kaydsado.

6. Malaha Goor dambe ayaad bilowday: Qaybta ugu dhibta badan ee lacag kaydsashadu waa waqtiga la bilaabayo. Mar kasta oo uu dib u sii dhaco waqtiga aad lacagta ku soo gasha wax ka dhiganaysaa waxa ay ka go’an tahay lacagtii kuu dhigmi lahayd ama xawaarihii ay ku kordhi lahayd tirada lacagta aad kaydsanaysaa. Xataa haddii uu dakhligaagu yar yahay ama kharashkaagu aad u badan yahay, haddana weli waxaa jira fursado aad lacag ku kaydin karto, haba noqoto xaddi aad u yar ee.

7. Calaacalka dhaaf oo oofi wacadka aad naftaada la gasho: Dad badan ayaa ku cawda, “Lacag igu filani ima soo gasho” ama “Noloshii ayaa qaali noqotay oo waxba lama dhigan karo” iyo “Duruufihii ayaa sii rajo beelaya, oo mar keliya deyn kama aan bixin” Weli ereyadan mid ka mid ah ama ereyadan oo dhami niyaddaada ma ku soo dhaceen ama saaxiibkaa ma’ u sheegtay. Caadooyinka hore dhayal kuma guuraan, laakiin waxa aad ogaataa haddii aanad waxba beddeli karin, in aanay xaaladdaada waxba iska beddelayn.

Jooji calaacalka iyo in aad cudur darro badan u samayso gaabiska ku jira lacag kaydintaada. Waa in aad xambaarato masuuliyadda wax-soo-saar la’aanta ka dhalatay caadooyinkaa xun ee aad leedahay, kuna dadaal in aad dhaqso u beddesho.

8.Maanta ayaad u nooshay oo berri kuma xisaabtantid: Dadka qaar ayaa kaftan iyo dhayal u haysta in ay ka fikiraan dakhliga ay u baahan doonaan marka ay shaqadu ka dhammaato, ay ka tagaan, ama marka ay gaadhaan da’ aanay sii shaqaysan karin. Laakiin kuwaasi iyaga ayaa ah wax lagu qoslo oo aan fahamsanayn nolosha. Mushkiladdu waxa ay tahay in kharashka sida aan ku talo galka ahayn u baxa iyo kharashaadka oo aan laga baaraan degin ay qofka ku hoggaamiyaan deyn.

Dantaadu waxa ay ku jirtaa in aad ka takhalusto wax iska iibsiga, waxa aanad rumaysataa hal-ku-dhegga ah, “Hadda oo aad wax iibsato, waxaa ka dambeeya gooor dhow oo aad warwarto” waxaa fiican in aad ka baydho hal-ku-dheggaas oo aad u beddelato, maanta wax dhigo oo berry maalqabeen noqo.

9. Malaha beedkaaga oo dhami sallad keliya ayaa uu kugu jiraa: Waa suurtogal in aad faa’ido badan ku heshay lacagtaadii oo aad hal mashruuc ku wada maalgelisay, waxa uun ay la mid tahay adiga oo bakhtiyaal nasiib helay. laakiin sidaas ma’aha istaraatijiyadda saxda ah ee loo noolaado ama loo maro maal-qabeennimada. Xeel-dheerayaasha arrimaha maaliyaddu waxa ay kaaga digayaan in aad lacagtaada oo dhan hal mashruuc ku maalgeliso, waayo waxa ay ku gelinaysaa khatar badan. Waxaa fiican in lacagta aad haysato aad u qaybiso dhowr mashruuc oo kala duwan si haddiiba ay xaaladdu ku xumaato hal-mashruuc ay si caadi ah ugu socdaan mashaariicda kale oo xataa laga yaabo in ay soo saaraan faa’ido u dhiganta ama ka badan khasaaraha mashruuca kale galay.

10. Malaha maad fahmin: Waxaa laga yaabaa in aad ka mid tahay dadka aaminsanaanta Qaddarka ku talax taga ee illaawa in asbaab iyo ficillo looga baahan yahay qofka. Waa ay jiraan dad badan oo sidaadaas oo kale aaminsan in marka ay dhibi timaaddo uu farajkuna furan yahay oo isha xidhantaba ay il kale oo furantaa soo beddelayso. Waxaa suurtogal ah in aad nasiib u hesho shaqo fiican oo aad mushahar fiican ka hesho, ama in aad lacag iyo hanti badan amaba dee aad bakhtiyaal nasiib ku guulaysato. Ama wax kale oo kastaba, laakiin waxa aad ogaataa in haddii aad doonayso in aad maal-qabeen noqoto ay waxaas oo dhami yihiin kuwo aan waxba ka tari karin doonistaada.

Noloshu malaha sal ay ku negaato, cidina ma oga waxa dhici doona ama aan dhici doonin berry, sidaa awgeed waxaa waajib ku saaran ah in aad xoogga isugu geyso wax aad maanta xakamayn karto oo aad maamuli karto, laakiin berri taladaada ka baxaya. Dhammaad