“Shacbiga reer Somaliland waxaanu ku hambalyaynaynaa sida shucuurta waddaninimadu ku dheehan tahay ee ay ugu dabaaldegeen 20-guurada Qaranimada Somaliland” Warsaxaafadeed

0
4361

 

mayTaariikh. 23.05.2011                                                        

 

Summad: JSUK/05/11

Guddida qabanqaabada 20-guurada Somaliland ee UK waxay mahadcelin balaadhan u soo jeedinayaan dhamaanba shacbi weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaanay ku hambalyaynayaan sida shucuurta waddaninimadu ku dheehan tahay ee ay ugu dabaaldegeen 20-guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

Guddi ahaan waxaan ku amaanaynaa shacbiga reer Somaliland sida ay u ajiibeen ee ay uga jawaabeen dadka reer Somaliland codsigii ahaan in sannadkan si ka duwan sidii hore loo xuso, taasi oo aynu si wada jira ugu guuleysanay in codkeena aynu ku mideyno sidii caalamka loogu soo bandhigi lahaa guulaha Somaliland gaadhay 20-kii sanno ee ay jirtay. Sidoo kalena aynu beesha caalamka mar kale xasuusinay in Somaliland aqoonsi caalami ah oo ay heshaan uu kaalin muhiima ka qaadan doono adkaynta nabadgalyada, xasiloonida iyo horumarka mandaqada.

Shacbi weynaha reer Somaliland waxay mar kale dunida u muujiyeen sida ay ugu go’an tahay inay ka midho dhaliyaan qaddiyada Somaliland, iyagoo si isku duubni ah ugu wada hawlgaya xaqiijinta himoolinka ay higsanayaan dadka reer Somaliland.

Xuska Sannadkan ee 18-May ee sannadkan, 2011, waxa uu u quus gooyay cadowga Somaliland meel kasta oo ay joogaan,  waxaanu kor u qaaday wadanimadii iyo isku duubnidii lagu yaqaanay shacbigeena.

Ugu danbeyntii waxaanu mahadcelin balaadhan u soo jeedinaynaa dhamaanba shacbiga reer Somaliland, gaar ahaana dadkii faraha badnaa ee nagala soo qayb galay isku soo bixii balaadhnaa ee lagu qabtay magaalada London. Sidoo kale waxaanu iyana uga mahad naqaynaa intii gacanta ka geysatay iyo saxaafada madax banaan oo kaalin lama ilaawaan ka qaatay abaabulkii isku soo baxan taariikhiga ah. Waxaana aanu Ilaahay ka rajaynayanaa inuu isku keen keeno dabaadega aqoonsiga Somaliland.  

Allaah Mahadleh

Guddida qabanqaabada

g20guuradasomaliland@yahoo.co.uk