“Dawladii Naga Horaysay Haddii Aanay Doorashadu Ka Soo Gaadhin Way Dumi Lahayd, Waxay Gaadhay Heer Ay Waxba Bixin Kari Weydo, Musuqaa Cirka Maray”

0
2443

 

 

xaashiHargeysa (Geeska)-Wasaaradda maaliyada Somaliland ayaa soo bandhigtay wax qabadkeedii lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha u dajisan mustaqbalka dhaw ee soo socda. Bandhig ay wasaaradda maaliyadu ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayuu wasiirka maaliyada Md Maxamed Xaashi Cilmi kaga xog waramay qaabka cashuur uruurinta iyo qaab cusub oo loo uruurin doono dakhliga ka soo baxa cashuurta macaashal macaashka. Wasiir Maxamed Xaashi, waxa uu gantaal ka daba tuuray xukuumadii Madaxweyne Rayaale, oo uu sheegay inay dumi lahayd haddii aanay doorashadu ka soo gaadhin.

Waxaa ka soo qayb galay kulankaas lagu soo bandhigay miisaaniyadii lixda bilood ee wasaarada maaliyada xubno ka socday, dawlada, ganacsato iyo xubno ka tirsan labada gole. Xubnaha ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (Saylici), wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Cabdirisaaq Khaliif, wasiirka cadaalada Xuseen Axmed Caydiid,   wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta, Ismaaciil muumin Aare, wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday,  gudoomiyaha baanka, gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida, gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka maaliyada Md Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu sheegay inay jiraan ganacsato waaweyn oo ay ku baaqay cashuur dhan hal milayn iyo jar jar, kuwaas oo ilaa hadda sida uu sheegay ka dhaga adayga la xisaabtanka wasaaradda maaliyada iyo xukumada, waxaanu intaas ku daray inay go’aankii ay ka gaadheen u gudbiyeen maxkmada dalka, taas oo uu sheegay inay xal u tahay cashuuraha baaqday.

Wasiirka oo ka hadlaayey qaabkii hore ee cashuur uruurinta ayaa yidhi “Waxaa jirta in habkii aan dakhliga u uruursanaynay wuxuu ahaa  hab gaboobay ahaa. Habkaa gaboobay waxaan uga jeedaa inamo inta loo diro soo wareega oo meheradaha taga oo ay baayactamaan dadka meheradaha haysta, dabeetana waxa ina soo galaaba uu wax yar noqdo, markaa waanu ka guurnay taas oo sanadkan ayaanu damacsanahay in aanu dhamaystirno oo waxaanu u guurnay in meherad walba la diwaangeliyo, hadii uu dukaan yahay, hadii uu farmasii yahay, waxaanu dhamaynay Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo, Gabiley, Togwajaale iyo Boorame, inta noo hadhsanina waa in yar oo waanu dhamayn karnaa”.

Geesta kale wasiirka ayaa ka waramay qorshahooda sanadka 2011-ka iyo 2012-ka, waxaanu sheegay inay dhawaan samayn doonaan miisaaniyad dhamaystiran oo uu qaranku leeyahay, halka uu miisaaniyada xaadirka ah ku tilmaamay mid wasaaradda oo kaliya ah, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu ku tala jirnaa oo aanu bilaabaynaa imika tala galkii 2011-ka miisaaniyadiisii, kolkaa miisaaniyad qaran imika ma samayno ee waxaanu samaynaa miisaaniyad wasaaraddda maaliyada ah, laakin waxaanu u soconaa in aanu miisaaniyad qaran samayno 2012-ka insha allah. waxa kale oo aanu damacsanahay in aanu diwaangelino waxay dawladu leedahay oo dabeeto miisaaniyadu hadii ay noo dhamaystiranto aan ku darno wixii ay dawladu leedahay ee hantida gaarka ah”

Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland ay aad ugu adagtahay cashuur bixintu, wuxuuna intaas ku daray inay jiraan dad gacansato ah oo labadii sano ee u danbeeyey aan bixin wax cashuur ah, kuwaas oo lagu leeyahay sida uu sheegay hal milayn oo doolar. Wasiirka ayaa yidhi waxaanu hor gayn doonaan maxkamad, waxanau hadalkiiska u bilaabay “Dadkeenu umay baran cashuur bixinta, way ku adagtahay sida runta ah cashuur bixisku. Dib ayaanu u yara noqonay 2008-kii macaashal macaashkii waxaanu soo qornay oo tijaarta waaweyn waxaa lagu yeeshay halmilyan iyo wax la jira oo doolar ah. Kaalay oo nala xisaabtama ayaa ku adkaatay. Imika malaha mudo sideed bilood ah ayaanu ka sugaynay, imikana waxaanu u wareejinay maxkamada, tiradoodana waanu qori hadii ay lacagta bixin waayaan.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Xaashi.

Mar uu ka hadlaayey gaadiidka dalka ku soo batay waxa uu sheegay in kala badh inta joogta in aanay bixin cashuurtii lagu waajibiyey, isla markaanay ku baaqatay lacag dhan saddex boqol iyo labaatan kun oo doolar. Hadalkiisana wuxuu ku sheegay in baabuurka cashuur la’aan lagu qabto in halka uu jooga lagaga dhigi doono qofka wata, isaga oo shicibka ugu baaqay in aanay ku safrin gaadhi bilaa cashuur ah, hadalkiisana waxaa ka mid ahaa “Gaadiika. Taraafigu meel ayuu istaagaa, laakin dadku wuu garab maraa hadii uu doonayo. ilaa afartan kun oo gaadhi ayaa maanta socda. Kolkii kombiyuutarka la galiyey ee la soo qaatay 2008-2009 iyo 2010 gaadiidka aan waxba bixin waxay noqdeen laba iyo labaatan kun  iyo afar iyo sagaashan, lacagta ku baaqatayna waxay noqotay saddex boqol iyo labaatan kun oo doolar. Waxaanu damacsanahay in aanu liiskooda soo saarno oo dadka gaadiidkaas leh aanu jaraa’idka ku qorno, dabeetana meeshii ay joogaanba lagu qabto, waxaanu dadweyaha uga digaynaa gaadhiga ay fuulayaan hayska eegeen inuu cashuurtii bixiyey iyo in kale, hadii haleeya lagu qabto magaaladii ayaanu ku noqonaynaa ma jirayso halkii lagu qabo ayaa lagaga dhigayaa, qaarbaa saddex jeer waxba bixin. Markaa dadweynaha waxaanu leenahay cashuurta idika waajibtay iska bixiya, waa wax dalku u baahan yahay, shaqadiina ayaa idiinku sii socon, hadii kale wixii Soomaaliya soo maray way inoo yaaliin, in aynu wax ku qaadano weeyi oo aynu dariskaa qaadanaa waa wax meesha ku jira”

Mar uu ka hadlaayey dawladii hore ee Rayaale wuxuu sheegay inay dumi lahayd hadii aanay xukumadoodu ka soo gaadhin, isaga ku sababeeyey musuq maasuqa oo cirka isku shareeray isla markaana iska bixin kari wayday daymihii lagu lahaa, waxaanu yidhi     “ Waxaynu ognahay dawladii naga horaysay ee aanu dhaxalnay haddii laba bilood aan doorashadu ka soo gaadhin oo ay sii jiri lahayd way dumi lahayd ayaan qabaa, waayo heer ayay gaadhay ay waxba bixin kari wayday, musuq maasuquna cirka maray, mushaharkii shaqaaluhu afar bilood maray, raashinkii ciidamada loo tamar waayey, ilaahay inay ku mahadiyaan ayey ahayd ka furtay dhibaatadaas.

Waxaa isna halkaas ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil Saylici, waxaanu sheegay in hadii aan cashuurta laga bilaabi xubnaha dawlada ee ganacsig leh in aanay waxba suuroobayn, isla markaana loo baahan yahay in aan waxba la qarin, waxanau yidhi “Ganacsatadu inuu is yidhaahdo gaashaanka hay oo lacagta yar daafaco waa caqli daro. Una doono magaalo qurux badan oo wadooyin leh oo biyo leh oo laydh leh. Waxaynu ognahay shirkado sanadka laba milayn oo doolar macaasha, intuu boqokiiba toban ina siin lahaa ayuu labaatan kun oo doolar khasnada ku soo ridaa, toban kuna inamada ayuu afka u mar mariyaa, muwaadinimada wax badan ayaa ka dhiman, waxaanse qabaa inay nala shaqeeyaan ganacsatadu oo ay cashuurta bixiyaan. Wasaaradda maaliyd ahaan ama dawlada maanta joogta waxaa looga baahan yahay xogta dhabta ah in loo gudbiyo dadweynaha. Dhaqankeena waxaad moodaa wax qariska ayaa inagu fara badan, waa in aynu wax qariska ka baxnaa oo wasaaradda maaliyadu halkaa soo dhigtaa lixdii bilood ku talo galkeedii iyo wixii maanta soo baxay. Ka dawlad ahaan waxaa jira dad badan oo dawlada u shaqeeya oo xildhibaano leh oo cid walba leh oo iyaga qudhooda ganacsiga qayb kaga jira oo guryo la kiraysto leh, inagu waa in aynu isku bilawno cadaalada iyo cashuur bixinta, hadii inagu aynu hor seedi wayno maxaynu ninka shicibka ah u qabsanaynaa”

Ugu danbayntii wasiirka maaliyadu wuxuu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey hay’adda IOM oo uu sheegay inay toban xafiis u dhisayso, kuwaas oo lagu qaban doono cashuuraha dalka. Bandhiga wasaaradda maaliyad ee wax qabadkii lixda bilood ayaa maanta oo salaasa ah la soo xidhayaa haddii Alle yidhaahdo.