“Dadkii Isu Soo Baxa Sameeyay Waxay I Tustay In Dadka Aan u Soo Dhimanaynay Yihiin Dad Dhiig Leh” Axmed Mire

1
4498

axmed-mire-300x251

London(Geeska)-Mujaahid Axmed Mirre Maxamed ayaa sheegay in shacbiga ay qaranimadooda ilaashanayaan haddii la aqoonsado iyo haddii kale.

Mujaahid Axmed Mire, wuxuu hadlakan ka sheegay doo lagaga hadlayay Somaliland oo shalay ka baxday laanta Afka Somaliga ee BBC,  “Somaliland qaranimadeeda way ilaashanaysaa haddii la ictiraafo iyo haddii kaleba kana daali mayno qaranimadayadda, Horta Anigu ma nihin dad waxa ka dhiman qariya, khudbadii u dambeysay Madaxweynuhu wuu ku sheegay wixii dhinaa. Waxa naga dhiman kaabeyaashii dhaqaalaha, waxa kale oo naga dhiman shaqo abuurkii,”ayuu yidhi Mujaahid Axmed Mirre oo shalay ka hadlayay  Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da oo uu ka qeyb galay dood lagaga hadlayay waxyaabaha Somaliland u qabsoomay labaatan sano guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.

Axmed Mirre oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu leenahay walaalahayaga Soomaaliya waxaynu ahayn walaalo oo anagaa (Somaliland) xornimada idiin keenay markii aanu dawladnimada idinka hor qaadanay sanadkii 1960-kii. Markii la burburayna idinkaa dhaxalkii aynu wada lahayn qaatay oo waxba nagamaydaan siinin.
Md. Axmed Mirre waxa uu si weyn u bogaadiyay dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan Ingiriiska ee 18-kii may isu soo baxa aqoonsi raadiska ah ka hordhigay aqalka baaralamaanka Ingiriiska isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriiska ku dhaqan isu soo bixii ay soo bandhigeen iyo yuhuuntoodii waxay I tustay in dadka aan u dhimanayay ay yihiin dad dhiig leh oo dadkooda u adeegaya. Dadkii isu soo baxay c iyaar umay soo bixine’e waxay adduun weynaha dareen geliyeen in Somaliland ay muddo labaatan sanadood ah samraysay oo ay xaq u leedahay in la ictiraafo.

Dadkaasi waxay Guriga baarlamaanka Ingiriiska u hor-tageen waxa weeye waa dalkii Somaliland mustacmarada u ahayd waxa laga doonayaa inuu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsada maadaama oo uu garanayo xuduudaha iyo taariikhda.”

Mujaahid Axmed Mirre oo la weydiiyay waxyaabihii Ururkii SNM ka abuurmay waxa uu yidhi “Ururkii SNM wuxuu ahaa urur ka dhashay cadaalad daradii dalka ka taagnayd, cadaalad darradaasi oo baahday ayaa qof walba meeshiisa ku gaadhay. Markii la bixin waayay Odayaashii, Hooyooyinkii iyo ubadkii ee la xalaashaday wax kasta oo xaaraan ahaa ee wax ma yaqaankii laga dhigay wax yaqaan, waxyaqaankiina laga dhigay wax ma yaqaan, cadaalad darradu markay baahdo waxay burburisaa ummadda oo dhan horta markaa SNM waxay ka dhalatay Cadaalad darro.”

Comments are closed.